(02-12-2009)Waxaa si weyn magaalada Muqdisho maanta u dhex socda warar isa soo taraya oo tilmaamaya in dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay goobo kamida Muqdisho ka dhaceen kulamo qarsoodi ah oo dhex maray Amiirro ka tirsan Alshabab iyo horjoogayaasha ciidamada Xisbul Islam, kulamadaasi oo looga wada hadlay arrimo badan. Xogo aanu ka soo uruurinay shaqsiyaad xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kadib markii ay Xoogagga Xarakatu Alshabab ku soo guuleysteen dagaalladii bilihii la soo dhaafay ay la galeen ururka Xisbul Islam ee Jubbooyinka, ay haatan u soo jeesteen sidii ay si farsameysan u kala diri lahaayeen qeybaha kale ee Xisbiga ee ku sugan Muqdisho. Saraakiil-xereed ka socota Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay kulamo qarsoodi ah la yeesheen horjoogayaasha Ciidamada Xisbul Islam qeybtooda ku sugan Muqdisho iyo Ceelasha biyaha, waxayna ka dalbadeen iney iyaga iyo hubkooduba ku soo biiraan Alshabab. Saraakiil-xereedkaan ka socda Alshabab ayaa u ballan-qaaday horjoogayaasha ciidamada Xisbiga, jagooyin Muhiim ah iyo weliba dhaqaale aan la cayimin oo ay ka helayaan Xarakada dhexdeeda haddii ay codsigaan aqbalaan. Qaar kamid ah horjoogayaasha Xisbiga ayaa la sheegay in ay dalabka Alshabab aad uga caroodeen, halka qaar kalena ay u Qushuuceen, waxaanse weli la ogeyn Mowqifka ay tallabadaani dhabar-jebinta ah ka taagan yihiin hoggaanka Sare ee ururka sii kala siib siibanaya ee Xisbul Islam. Horjoogayaal iyo Ciidamo badan oo ka tirsan Xisbul Islam ayaa Shalay ilaa maanta waxay saldhigyadooda ay ku leeyihiin Muqdisho iyo degaanada loo barakacay ka wadaan dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn, waxaana jira baa la leeyahay xiriirro badan oo khadka telefonka ah oo dhex maraya qaar kamida masuuliyiinta dowladda iyo horjoogayaasha Xisbul Islam qaarkood. Weli ma kala cadda mowqifyada dhabta ah ee ay labada urur ee Xisbul Islam iyo Alshabab kala qaateen, laakiin waxaa banaanka yaala dareen xooggan oo ku wajahan xaaladda aad khatarta u ah ee xilligaan ka soo if baxday dhexdooda, lase arki doonee maalmaha soo socda. Dalkanews.com Muqdisho |