 (02-12-2009)Ilaa iyo 25-ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bam oo xalay lagu weeraray Shineema ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, xilli ay filimo ku daawanayeen Shineemada dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo. Qaraxa oo aanan la ogeyn cida ka danbeysa ayaa waxaa uu dhacay xalay fiidkii waxaana dadka ku dhaawacmay la dhigay cisbitaalka dhexe ee magaalada Boosaaso iyadoo ay qaar ka mid ah dhaawacyada la sheegay in xaaladooda ay aad u liidato. 19 ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo jeedaan qoowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya waxa ay ahaayeen dad doonayay in ay ka tahriibaan magaalada Boosaaso oo ay tagaan dalka Yemen. Maleeshiyo ka amar qaadata maamul beeleedka Puntland ayaa u qabtay dhowr ruux qaraxyadaasi oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan weerarka lagu qaaday Shineemo Afar Irdood ee magaalada Boosaaso. Magaalada Boosaaso ayaa waxaa beryahan ka jiray amaan dari baahsan,waxaana ka dhacay weeraro lagu dilay dad rayid ah iyo madax ka tirsan maamulka Puntland. Horjoogihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay falalka amni darada ee ka jirta Puntland in ay ka dambeeyaan dadka u dhashay, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in ay ka dambeeyaan Xarakatu Al-Shabab. Dalkanews.com Muqdisho |