(01-12-2009)Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xerooyin ay ku jiraan ciidamada milateriga dowladda soomaaliya, iyadoo kormeerkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan dowladda, saraakiil Millitari oo ka tirsan Amisom iyo kuwa dowladda.
 Ammaanka Madaxweynaha oo si weyn loo sugayey ayaa intii ay kormeer ku bixinayeen xerooyinka ciidamada waxaa loo xiray wadada Danwadaagta, Isgosyska Daba-kaaya madow, mac macaanka ilaa xoosh oo ka wada tirsan degmada Madiina.
Madaxweyne shariif ayaa kormeer ku tagay xerada Xoosh oo ay ku jiraan boqolaal ka tirsan ciidamadii hore ee milateriga, kuwaasoo lagu sameeyay dib u habeyn iyo baxnaanin xagga nolosha ah, waxaana halkaas uu ugu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.
Madaxweynaha oo xirnaa dharka ciidamada milateriga ayaa ka codsaday ciidamada in ay ilaaliyaan nidaamka ciidanimada, ayna yeeshaan asluub, isagoo sheegay in hada ay soo bateen kuwo ciidan isku sheegaya oo dadka dhibaateynaya.
"Ciidamadii hore waxay ahaayeen kuwo asluubeysan, waxay bad baadin jireen shacabka ee ma dhibi jirin, waxaan leydinka rabaa inaad karti iyo dadaal la timaadaan, dalkana aad bad baadisaan"ayuu yiri Madaxweynaha oo dar daaran iyo guubaabo u jeediyay ciidamada. Madaxweynaha ayaa khudbaddii uu ciidamada uu booqday kaga dhawaajiyey in waajib diini ah ay tahay in dalka iyo diinta la badbaadiyo, lagana hortago kooxaha hororka ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, isagoo sii raaciyey in dowladdiisu ay goordhow dagaal uu isago hoggaaminayo qaadi doono.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa u balan qaaday ciidamada in ay ilaalin doonaan xuquuqdooda ayna siin doonaan wax alle wixii ay u baahan yihiin, hadii ay ka soo dhalaalaan waajibaadka qaran ee saaran.
"Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida aad mar waliba diyaarka ugu tihiin inaad difaacdaan dalkiina, waa la socotaan cadawga nagu soo duulay in shacabka uu meel walba uu ku dhibaateynayo, marka idinkaa la doonayaa inaad shacbiga bad baadisaan"ayuu mar kale ku celiyay madaxweyne Shariif.
Booqashada Madaxweynaha oo uu ku wehliyay Taliyaha ciidamada Milateriga Jen. Yuusuf xuseen dhuumaal ayaa u jeediyay ciidamada in ay isu diyaariyaan difaaca dalka iyo diinta, waxaana uu sheegay in ciidamada ay mar walba ay feejigaan iyo diyaar garow ahaadaan.





Dalkanews.com Muqdisho |