|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiiro ka socdo dalalka deeqda bixiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Safiiro ka socdo dalalka deeq bixiyaasha, waxayna ka wada hadleen sidii loogu dhisi lahaa Soomaaliya hay’adaha Maaliyadda

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay kulankaas Wasiirka Maliyadda Mudane Maxamuud X. Suleymaan iyo Governorka Bankiga Dhexe Mudane C/ Salaam Hadliye.

Safiirada iyo wakiiladda ayaa waxey ka kala socdeen, dowladaha iyo hey’adaha kala ah Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Japan,Danmark,Norway,Swedhen,Finland, Midowga Yurub, Bankiga Aduunka ,G7+iyo UN ka.

Madaxweynaha ayaa goobtaas ka sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay dhisato addega dhaqaalaha bulshada kaas oo muhiim u ah maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha soo galo dalka.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in musuq maasuqa aan la aqbaleyn. Wuxuu kale uu shegay in wada hadalo gooni gooni ah la yeelan doono dalalka deeqaha bixiyo.

Sidoo kale Madxweynaha ayaa maanta wuxuu Villa Soomaaliya ku Qaabilay Safiirka cusub ay Kenya u soo magacawday Soomaliya Mudane Josphat Makira oo goobtaas warqadihiisa magacaabista ku wareejiyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa u sheegay safiirka “Kenya waa walaalaheen waqtigaan muhiimka ahna waxaan kugu soo dhaweynayaa Muqdisho.Labada dal waa in ay si wada jir ah ushaqeeyaan oo ay ka hortagaan caqabadaha taagan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dalal badan hada ka furanayaan safaarado, madaamo ay xasilooni ay hadda ka jirto caasimada


Malik Abdalla

Director of Communication

Office of the Somali President

Villa Somalia, Mogadishu

mabdalla@presidency.gov.so

Comments are closed