|

IGAD oo ku Dowlada ugu baaqday inay dadajiso maamul u sameynta gobolada

Kulankii 46-aad ee  Urur goboleeddka IGAD oo war laga soo saaray ayaa  lagu amaanay shacabka iyo xukuumada Soomaalia sida ay uga wada shaqeynayaan nabad kusoo dabaalida wadanka.

War saxaafadeedkaasi ayaa qodobadii laga soo saaray waxa kamid ahaa in Uruka goboleedka IGAD uu ugu baaqayo in Dowladda ay dadajiso maamul u sameynta gobolada wadanka Soomaalia.

War saxafadedka ayaa intasi waxa lagu daray in xukuumada sidookale ay ka hirgaliso goobaha laga saaray dagalamayasha Al-Shabaab xarumo ay leeyihiin laamaha amaanka iyo kuwa nabad sugida Soomaalia.

IGAD waxa ay ugu baaqday xukuumada soo diyaarinta dalab ku aadan sidii Soomaalia looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran

Warka qoraalka ah ayaa shaaca looga qaaday in dhinacyada ay quseeyaan arimaha Soomaalia ay dar dar galinayaan iskaashiga ay la sameynayaan dawladda Soomalia iyo sidookale ka qeyb qaadashada dib u dhiska Wadanka Soomnaalia

Igad warsaxafdedkoodi waxa ay ku canbaareyen cid walbo oo ka soo horjeeda dib u dhiska somalia.

Dowladda Soomaaliya oo ah Federaal ayaa waxaa laga sugayaa maamul u sameynta gobolada jubooyinka, waxaana arintaani ay imaaneysaa iyadoo caqabada ugu weyn ee maamul u sameynta ay ka taagan tahay Jubooyinka.

Comments are closed