Al-Shabaab oo ku hanjabay inay dili doonaan maxaabiis Kenyaan ah oo gacanta ugu jira
Kooxda Al-Shabaab ee xirirka la leh ururka Al-Qaacida ayaa wacad ku martay in ay dili doonaan ciidamo ay heystaan Kenyaan ah oo gacantoda ku jira hadii aysan Dowlada Kenya aysan sii deyn dhamaan dadka musliminta ee u xiran xabisga wadankaasi kenya kuwaasi oo wajahaya eedeymo ku aadan argagaxisanimo.
War saxaafaded iyo cajal Video-ah ay soo dhigeen Shabaab barta ay Twiterka ay ku leeyihiin wxa ay ku shaaciyeen in xukuumada Kenya ay u qabanayaan ilaa iyo 14-ka bishaFebraury si looga jawaabo dalabkooda ku aadan in dawladda Kenya ay sii dayso dad muslimiin ah oo ay
Uganda gacanta u galisay kuwaasi oo lagu eedeeyay falal argagexisanimo iyo dad kaloo lagu maxkamadeyay wadanka Kaasi kuwaasi oo ay dawladda Uganda u soo qab qabatay weeraradi ka dhacay magalada kambala sanadkii 2010,kii
Cajalada Video-ga ah ayaa waxaa kasoo muuqday dagalamayaal Al-Shabaab ah oo Ciidamada kenya dagaal kula gulay Koofurta Soomaalia sanadii 2011-ki iyo afar qof oo kale ay ku shegeen in ay yihiin laheestayaasha Kenyaanka ah ee iyaga gacanta ugu jira
Ugu danbentii ayaa cajaladaasi Video-ga ah ay Shabaab ay kusoo bandhigeen barta ay twiterka ku leeyihiin waxa ay ku sheegeen in hadii ay dhamaato waqtigii ay u qabteen Kenya dalabkoodana looga soo jawaabi waayo, ay qaarajin doonaan dhamaan dadka ay afduubka u heystaan
"