Masuuliyiin ka socota hey,adda WFP oo maanta booqasho ku tegey Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wada-hadallo la qaatay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo maanta booqday magaalada Guriceel, wafdigaasi oo halkaasi u tegey u guur-gal baahida cunto ee ka jirta gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Saraakiisha Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Yusuyuki Misawa waxay wada-hadallo albaabbadu ay u xirnaayeen la qaateen guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan Ciyow.
Kulanka ayaa looga hadlay sida hay’adda cuntada adduunka ee WFP ay dib uga howl-geli karto gobolka.
Xasan oo la hadlay saxaafadda wax yar kaddib kulanka ayaa sheegay inay isku raaceen in WFP ay dib uga howlgalsho gobolka isla markaana ay dib u furato xafiisyadeeda.
Wuxuu sheegay inay Qaramada Midoobay ballan-qaadday inay maamulkooda ka taageerto dib u dhiska xarumaha muhiimka ah ee bulshada sida iskuullada iyo isbitaallada.
Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa dib ugu noqday magaalada Nairobi oo markii hore ay ka soo kicitimeen.
"