|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Kulamo La qaatay Madax Ka Tirsan Jaamacada Carabta

 Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo xiligan ku sugan boqortooyada Saudi Arabia kana qeyb-galaya shir madaxeedka wadamada ku jira Jaamacada Carabta ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ku kulansan magaalada Riyadh.

Kulamada madaxweyne Xassan Sheekh uu la yeeshay madaxda wadamada carabta ayaa dhamaantood looga wada hadlayay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dalka Soomaaliya iyo wadamada carabta, madaama Soomaailya mudo dheer ay ka maqneyd masraxa siyaasada dunida.

Madaxweynayaashii ay is arkeen Xassan Sheekh Max’uud waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Masar Max’ed Mursi oo ay ka wada hadlleen xiriirka labada dowladood iyo waliba sidii ay Masar gacan u siin laheyd dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sioo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu la kulmay madaxweynaha wadanka Yeman ooa haatan ku sugan dalka Saud Arabia  sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan magaalada Riyadh.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka soo laabtay dalka Mareykanka ayaa qudbad uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta waxaa uu ka hadllay dhibaatada ka jirta dalal badan oo ka mid ah wadamada carbeed, sida Falastiin, Suuriya, iyo Soomaaliya, isaga oo ka codsaday ka qeyb-galayaasha in wax badan laga qabto dhibaatada ka taagan dalalkaas.

Comments are closed