Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada oo gaaray Magaalada Jowhar.
General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo saraakiil kale oo ka tirsan maxkamada ciidamada ayaa gaaray xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar, Guddoomiyaha ayaa socdaalkiisa ku aadan Jowhar waxaa la sheegay inay ku saleysan tahay sida uu ugu kuur gali lahaa howlaha halkaas ka socda ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay wado.
Booqashada Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa qeyb ka dhageysiga dacwado loo haysto qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Jowhar kuwaasoo danbiyo kala duwan geystay.
Magaalada Jowhar ayaa maalinti Axada ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay nin dhalinyaro ah kaasoo dilkiisa uu geysay nin xiray dareeska ciidanka, hase ahaatee saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in uusan askariga la sheegay in uu ka dambeeyay dilka ka mid ahayn ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada General Muungaab ayaa bishii aynu ka soo gudubnay tegey magaalada Jowhar halkaa oo uu ka furay maxkamada ciidamada qalabka sida taasoo qaadi doonta dambiyada ay galaan ciidamada.
"