|

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin X.fiqi oo dalka Dib ugu soo laabtay

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi iyo wafdi la socda ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kadib markii ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga kaga qeyb-galeen shir looga hadllayay amniga Soomaaliya.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Jamaal Max’ed Barow iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini.

C/xakiin Fiqi oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in kulankan ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka socday Midowga Yurub,Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.

Waxaa kaloo uu sheegay in dhinacyadii shirkaasi ka qeyb-galay ay si gaar ah diirada u saarayaan amniga Soomaaliya iyo walliba sidii wax looga qaban lahaa, waxaana leyla gartay in la tayeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Comments are closed