|

Hogaamiyaha Turkiyiiinta Dalka Bulgaria oo dil ka badbaaday Daawo Sawirada

 Waxaa ay aheyd dhacdo aad loola  yaabeen oo dadkii daawanayay ay aad uga naxeen kadib markii nin dhalinyarro ah oo 25 sano jira ah uu bastoolad madaxa ka saaray hogaamiyaha Turkiyiinta dalka Bulgaria xili uu hadal jeedinayay.

Hogaamiyaha oo lagu magacaabo Ahmed Dogan ayaa siweyn u anfiiray markii uu arkay batsoolada madaxa ka saaran, waxaana uu bilaabay ugu yaraan in uu iska difaaco weerarka.

dhacdadaan ayaa ka dhacay gudaha kulan ay lahaayeen dhaq dhaqaaqa xaqa iyo xoriyada ee loo soo gaabiyo {MRF}  mana jirin wax dhaawac ah oo ka soo garay hogaamiyaha weerarkaas.

Waxaa markiiba goobta ku soo xoomay oo qaabtay ninka weerarka soo qaaday ilaalada hogaamiyaha oo waliba six un u jir dillay shaqsiga isku dayay in uu dilo hogaamiyaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Tsvetan Tsvetanov ayaa sheegay in ninka soo weeraray hogaamiyaha Turkiyiinta uu isku dayay in uu xabado ku rido balse xabadihii ayaa u dhici waayay oo ka katibay.

Inkastoo dunida inta badan ay ka dhacaan weerarada lagu qaado hogaamiyayaasha, ayeey haddana dhacdada noqotay mid la yaab leh, kadib markii uu shaqsigaas isku dayay in uu hogaamiyaha ku toogto meel fagaaro ah.








Comments are closed