|

Feysal Cali Waraabe oo sheegay in aqoonsiga Mareykanka uu aqoonsaday Soomaaliya ay jug weyn ku tahay Soomaaliland

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Maamulka Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadllay aqoosiga Mareykanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay wuxuu sheegay inay arintaas jug weyn ku ah Soomaaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa aad u dhaliilay xisbiga talada isagoo ku tilmaaya in mas’uuliyada arintaa uu qaadanayo maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo sida uu sheegay ka gaabiyay talaabooyin loo baahnaa in uu qaado.

‘’Waxaan is leeyahay ninka wasaarrada arrimaha dibada uga wakiilka ah maamulka Siilaanyo waa shaqsi meel cidla ah iska gaardinaya oo aan la socon halka siyaasadu maanta mareyso, sidaa daraadeed waxaan is ku celinayaa in jug weyn ayaa soo gaartay qadiyada Soomaaliland aqoonsiga loogu raadiyo.

‘’Marka aan ku soo qaado dublamaasiyiinta aan isku aragno dalalka dibada ah qadiyada Soomaalilanad waxaa ay ii arkaan shaqsi ku raad jooga arrimo mar hore laga tagay oo leyskaba iloobay, taana waxaa sababteeda leh maamulka Soomaaliland ayuu yiri,’’ Feysal Cali Waraame.

Xukuumada Washington ayaa dhawaan si cad u sheegtay in ay aqoonsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya, wixii haddana ka danbeeyana kala xiriiri doonto arrimaha guud ahaan dalka Soomaaliya, kadib markii ay kulan yeesheen madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo Barack Obama.

Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in ay shir isugu yeeri doonaan waxgaradka Soomaaliland islamarkaana la taagan yahay, sida uu hadalka u yiri, waqtigii la badbaadin lahaa Somaliland.

Comments are closed