Burcad Badeed Soomaaliyeed oo dalka Yaman lagu xukumay min 10 oo xabsi ah
Wararka laga hellayo dalka Yaman ayaa sheegaya in maxkamad ku taala dalkaas min 10 sano oo xirag ah ku riday sadax burcad badeed Soomaali ah, kadib markii lagu hellay dacwad ah afduub ay u geysteen Doon.
Wararku waxaa ay sheegayaan in sadax nin oo la soo xiray ama la soo qabtay sanadkii 2011 ilaa waqtigan ay ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi Yaman, laakiin ugu danbeytii ay maxkamad ku xiray xabsi dhan min 10 sano oo xarag ah.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in maxkamada ay ku riday ragaas xukun ah in ay bixiyaan ganaax lacageed oo gaaraya ilaa $ 3, 492 doolar, milkiilaha Doon kuwa kaluumeysiga ah oo ay afduubteen.
Waxaa ay maxkamadu ku sheegtay lacagtaas in ay tahay mid loo siinayo magdhaw ahaan milkiilaha gaar ahaan kaluunkii Doonta saarnaa markii ay afduubanayeen oo sida la sheegay ku xumaaday Doonta dusheeda.
Burcad badeeda Soomaaliya ayaa hadda ku xiran wadamo kala duwan oo caalamka ah , inkastoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii gacanteeda loogu soo celin lahaa burcad badeeda Soomaalida lagu hayo dalalka kale.
"