Asgari ka tirsan ciidamada dowlada oo qof rayid ah ku dilay dagmada Jowhar
Wararka naga soo gaaraayo magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe aya sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dillay mid ka mid ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladaas.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in askari dilka geystay uu si bareer ah ama ula kac ah u toogtay nin dhalinyarro ah oo ka mid ahaa dadka ku shaqeysta gadiidka Takaasida.
‘’Askariga si ula kac ah ayuu u toogtay ninkan dhalinyarrada ah oo lagu magacaabi jira Xumow, isaga oo dhaawac ah ayaa loola cararay isbitalka, kadib halkaa ayuu ku geeriyooday,’’ ayuu yiri mid ka mid ah dadka magaalada Jowhar.
Askariga ayaa la sheegay in markiiba ay gacanta ku dhigeen ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar xili uu doonayay in uu goobta ka baxsado.
Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo askari ka tirsan ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ugu geysto magalada Jowhar oo maalmihii ugu danbeeyay amaankeedu wanaagsanaa
"