|

Dagaalo culus oo xalay ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose

Dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, ciidamada Kenya oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku leeyihiin degmadaas, iyagoo madaafiic ku garaacay.

Xoogaga Shabaab ayaa dhowr jiro ka weeraray saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, iyadoo dagaalka dhinacyada u dhaxeeyay uu muddo ku dhow hal saac ka socday degmada.

Gudoomiyaha degmada Afmadow C/kariin Xaaji ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Shabaab ku dhinteen dagaalka, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab in madaafiic ku soo tuureen degmada.

Xaalada degmada ayaa saaka ah mid degan, inkastoo wali ay jirto cabsi dadka ka qabaan in mar kale ay weerar soo qaadaan Al-Shabaab.

Mudooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaadayay qeybo ka mid ah Jubooyinka, halkaasoo horay loogala wareegay, iyadoo habeen ka hor weeraray magaalada Kismaayo.

 

Comments are closed