Ciidamada nabadsugida qaranka oo howl galo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Ciidamada nabadsugida qaranka ayaa saaka howl galo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegayo in dad fara badan ay ku soo qabteen ilaa iyo iminka.
Howl galadan ayaa waxay xoogooda ka socdaan degmada Dharkeenley, waxaana saaka lagu arkay ciidamo fara badan oo isugu jira nabadsugid iyo boolis.
Dadka ku nool degmadaas ayaa sheegaya in saakay ay ku soo tooseen, iyadoo degmada ay soo buuxiyeen ciidamo fara badan, isla markaana watay gaadiidka dagaalka iyo baabuurta loo yaqaano shabaqle.
Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in howl galka ujeedkiisa yahay sugida amaanka, isla markaana ay ku raad joogaan kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Shabaab.
Howl galadan saaka laga wado Dharkeenley ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay degmada deriska la ah ee Wadajir lagu dilay wariye ka tirsan Idaacada S
"