Madaxweyne Xasan Sheekh “Madaxweyne Obama waxaa kala hadlay cubooneysiinta xiriirka Somalia iyo Mareykanka”
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka warbixiyay kulan uu aqalka cad ee Mareykanka kula qaatay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, kaasoo ahaa kii u horeeyay ee ay wada yeeshaan.
Kulankan oo ahaa mid gaar ah ayaa waxay kaga wada hadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan amaanka iyo siyaasada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhoweeyay sida Madaxweyne Obama uga war haayo xaalada Soomaaliya.
“Madaxweyne Obama waxaa kala hadalnay soo cusbooneysiinta iyo dib u soo nooleynta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, runtii aad iyo aad ayuu yididiilo ugu muujiyay, runtii ogaalkiisa aad buu u wanaagsanaa”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa bogaadiyay guulaha siyaasadeed ee la gaaray, waxaana uu ku baaqay in aanan la lumin fursadaha jira.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa sheegay in Mareykanka safaarad ka furanayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay dowladda siisay dhul.
Aqoonsiga dowladda mareykanka ay siisay dowladda Soomaaliya ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo wax ka bedeli doono xaalada dalka, iyadoo dowladdan ay tahay dowlad rasmi ah oo sanadkii hore ka baxday xilligii KMG.
"