|

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo digniin Culus ka soo saaray kufsiga

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa digniin u jeedisay Ciidamada dowladda iyo kooxaha isu ekeysiiya ee ku labisan dharka ciidamada, kadib markii shalay Maxkamada ay fulisay dil toogasho.


Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Liibaan Cali yarow ayaa sheegay in Maxkamada ay tallaabooyin ka qaadi doonto askarta iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka u geysta shacabka

“Maxkamada Ciidamada qalabka sida waxay fariin u direysaa Ciidamada iyo kuwan ciidanka isku ekeysiina ee aan ciidamada ka tirsan in hadii qof kasta isku daya inuu dhib geysto inuu wadada ay mareen kuwii hore uu mari doono”ayuu yiri Liibaan Yarow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qofkii isku daya in garab soomaaliyed xurmadeeda ku tunto uu dil toogasho muteysan doono.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku fulisay labo ka tirsan ciidamada dowladda oo mid dil u geystay nin kale iyo askari kufsaday gabar Soomaaliyed.

 

Comments are closed