Kooxda Al-Shabaab oo shaacisay inay dileen Dennis Allex oo hore ugu afduubnaa
Al-Shabaab ayaa ay war ay soo saareen waxaa ay shaac kaga qaadeen in ay dil ku fuliyeen ama dileen la heystihii u dhashay dalka Faransiiska Dennis Alex oo maalintii shalay ay ku xukumeen dil.
War ay ku daabaceen Al-Shabaab bogga Twitter-ka ayaa ku sheegeen in xalay saacado marka ay aheyd 7: 30 fiidnimo ku dileen Dennis Alex deegaannka Buula-mareer oo ah halkaa uu ka dhacay weerarkii ay Faransiisku ku soo qaadeen kooxda Al-shabaab.
Shabaab ayaana sii faahfaahin sida ay wax u dhaceen mana sheegin qaabka ay u dileen sarkaalka, laakiin waxaa ay sheegeen in fiidnimadii xalay dil ku fuliyeen, kaa oo ka dhashay ama jawaab u ah sida ay sheegeen weerarkii ay dowladda Faransiisku ku qaaday Al-Shabaab.
Ilaa iyo hadda waxaan kala cadeyn run ahaanshaha warka kooxda Al-Shabaab, madaama dowladda Faransiisku horay u sheegtay in sarkaalkiisi la dillay intii uu socday howlgalkii ciidamadooda ay doonayeen in ay ku soo furtaan, wixii xiligaan ka danbeeyayna Al-shabaab marnaba ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya in uu nool yahay marka laga soo tago in ay beeniyeen warka dowladda Faransiiska ee ahaan in waqtii uu socday howlgalka la dillay sarkaalka.
Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin weli xukunka lagu riday sarkaalka u afduubnaa Al-Shabaab oo rumeysan yihiin in la dilay intii uu socday weerarkii lagu doonayay in lagu furto, balse Al-Shabaab ay sheegeen inay hayaan ayna go’aan ka gaari doonaan.
"