|

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo sheegay inay taageero uga qeyb qaateen howl galkii fashilmay ee Faransiiska

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in taageero kooban ay ka geysteen howl galkii diyaaradaha dagaalka faransiiska ka fuliyeen jimcihii deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo fashil ku dhamaaday.

Hadal uu u jeediyay Golaha Senate-ka Mareykanka ayuu Madaxweyne Obama sheegay in taageeradooda ay ku ekeyd dhinaca sirdoonka iyo lojistikada, isla markaana mid ka mid ah diyaaradahooda ay qeyb ka aheyd howl galka.

“Waxaan uga qeyb qaadanay taageero kooban, mid ka mid ah diyaaradaheeda qeyb ayay ka aheyd howl galka, kuma laheyn wax door ah howl galka ka socday halka uu ku sugnaa la heysataha Faransiiska”ayuu yiri Obama.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay sabtidii in howl galka uu uga dhintay labo ka mid ah askartooda, isla markaana ay Al-Shabaab dileen la heystihii Faransiiska.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inuu wali nool yahay Denis Allex, hase ahaatee wali ma aanay soo bandhigin, waxaana la heystahan loo gudbiyay meel ka mid ah gobolada Al-Shabaab ay maamulaan.

Howl galkii habeenkii jimcaha ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Mareer Ciidamada Faransiiska ayaa ahaa mid fashilmay, iyagoo doonayay inay xoog ku soo furtaan sarkaal looga afduubtay Soomaaliya sanadkii 2009-kii.

 

Comments are closed