|

Wasaarada Gaashaandhiga oo ka hadashay weerarkii xalay iyo Denis Alex oo ku dhintay howl galka lagu soo furanayay

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Faransiiska ayaa faah faahin ka bixisay howl gal xalay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer, markii ciidamada sida gaarka u tababaran ay weerareen guri Al-Shabaab ku hayeen la heystihii Faransiiska ee lagu magacaabayay Denis Alex.

War saxaafadeed wasaarada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Al-Shabaaba ay dileen intii uu howl galka socday Denis Allex, isla markaana labo ka mid ah askartooda ku dhintay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay dileen ilaa 17-dagaalyahan ka tirsan Shabaab, intii uu socday dagaalka culus ee u dhaxeeyay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howl galkan uu ka dambeeyay markii uu fashilmay wada hadal la doonayay in lagu sii daayo Mr Alex oo tan iyo sanadkii 2009-kii afduub loo heystay.

Denis Alex iyo nin kale oo la socday ayaa bishii July ee sanadkii 2009-kii laga afduubtay Hotel ku yaala Muqdisho, iyagoo Soomaaliya u yimid inay tababaraan ciidamada nabadsugida.

Howl galka ayaa ka fashilmay ciidamada Kumandoska Faransiiska oo doonayay inay muwaadinka u dhashay ee afduubka lagu heystay inay xoog ku furtaan.

 

Comments are closed