Ciidamo Faransiis ah oo xalay weeraray saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Buulo Mareer
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay fuliyeen diyaarado qumaatiga u kaca oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ciidamo Faransiis ah oo saarnaa diyaaradaha ay dhulka u soo daateen.
Sida ay sheegayaan wararka howl galkan ayaa bartilmaameedkiisa ahaa guri ku yaala deegaanka Buulo Mareer oo lagu haayay sarkaal u dhashay dalka Faransiiska, kaasoo sanadkii 2009-kii laga afduubtay Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa afar diyaaradoo oo helicoptero ahaa ay weeraro la dhaceen guriga, iyadoo kadib iska hor imaad toos ah uu dhex maray Ciidamadii dhulka soo degay iyo xoogaga Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya inay xalay maqlayeen jug culus iyo guuxa diyaarado dul heehaabayay, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.
Wararka saaka aanu heleyno ayaa sheegaya in meydka askari cadaan ah lagu arkay deegaanka, iyadoo Al-Shabaab sheegtay inay soo bandhigayaan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Faransiiska, sidoo kale waxaa la ogeyn in ninka afduubka loo heystay in lala baxay iyo in kale, waxaana wararku yihiin kuwo isa soo taraya.
"