|

Ciyaaryahan Messi oo markii 4aad oo isku xiga ku guuleystay abaal marinta Fifa Ballon D’or

Xidiga reer Argentine Lionel Messi ayaa ku guuleystay markii afaraad ee isku xiga abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Aduunka ee FIFA Ballon d’Or, kadib markii munaasabad caawa ka dhacday magaalada Zurich lagaga dhawaaqay.

Munaasabadan oo aheyd mid aad u ballaaran ayaa lagu bixiyay abaal marino, iyadoo lagu soo bandhigay 11-ciyaaryahan ee Kooxda Aduunka ugu wanaagsan oo ka kala yimaaday oo intooda badan ka kala yimaaday Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, halka ciyaaryahanka kaliya ee ka mid ahaa uu noqday Falcao oo u ciyaara kooxda Atletico Madrid.

25-ka jirka u dhashay Argentine Messi ayaa kaga guuleystay abaal marintan saaxibkiisa ay isku kooxda yihiin Andres Iniesta iyo xidiga Real Madrid ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo Cristiano Ronaldo.

Xidigii hore ee Talyaaniga Fabio Canavaro oo ku guuleystay abaal marinta Ballon D’or sanadkii 2006-dii ayaa iclaamiyay in Messi yahay ciyaaryahanka ku guuleystay abaal marintan markii afaraad oo isku xiga, kaasoo uu rikoor cusub ku dhigay.

Messi ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2012 dhaliyay 91-gool dhamaan tartamadii uu kooxdiisa iyo xulkiisa u ciyaariyay, waxaana uu ka sara maray rikoorkii xidigii hore ee reer Jarmal Gerd Muller oo muddo 40-sano ku hayay, kaasoo dhaliyay hal sano 85-gool.

Xidigan ayaa sidoo kale waxaa uu rikoorka abaal marintan uu ka sara maray diiqii reer France Michel Palatini oo hada ah Madaxweynaha Xiriirka Uefa oo saddex jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon D’or.
Sidoo kale xidigta aduunka ugu wanaagsan ee gabdhaha ayaa waxaa loo caleema saaray gabadha reer Mareykan Abby Wambach.

Goolka ugu quruxda badan ee sanadkii 2012 ee abaal marinta Fifa Puskas Goal oo ay ku tartamayeen saddex ciyaaryahan oo kala ah Neymar, Stoch iyo Falcao ayaa waxaa abaal marinta goolka ugu qurxan la siiyay ciyaaryahan Miroslav Stoch oo u ciyaara kooxda fenerbahce ee dalka Turkiga.

Abaalmarinta Tababaraha ugu fiican ayaa waxaa la siiyay macalinka xulka Spain Vicente Delbosque oo u qaaday Spain Koobkii Aduunka ee sanadkii 2010 iyo Koobabka Qaramada Yurub ee sanadihii 2008-dii iyo 2012-dii.


By C/casiis Golf
golfyare@gmail.com

Comments are closed