|

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Kismaayo iyo Al-Shabaab oo damiyay Idaacada Al-Andulus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan iyo jahwareer ay ka jirto magaalada, kadib markii Ciidamada huwanta ay ku soo dhowaadeen magaalada, iyadoo dadka ay bilaabeen inay isaga barakacaan.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalo lagu hoobtay oo tan iyo shalay ka dhacayay inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo ayaa Ciidamada huwanta waxay ku jiireen difaacyadii u dambeeyay ee Al-Shabaab u yaalay deegaano keyn ahaa.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka cararayaan magaalada, isla markaana ay gudaha u geli doonaan, isagoo xusay in hadii ay xabad kaga soo dhacdo ay la dagaalami doonaan.

Jen. Saxardiid oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in dadka ay qal qal ku abuurayaan, isla markaana ay Hogaamiyaashooda sar sare magaalada ka firxanayaan sida uu yiri.

Haweeney lix caruur wadata oo ka barakacday magaalada ayaa sheegay in cabsi ay soo wajahday, isla markaana barakacu yahay mid magaalada saakay oo dhan ka socday.

Wararka ayaa sheegaya in saacada marka ay aheyd 1-dii Duhurnimo Al-Shabaab hawada ka saareen Idaacadii Al-Andulus ee afkooda ku hadleysay, iyadoo ay ka qaateen qalabkii Idaacada, waxaana taasi ay keentay in dadka ay isla dhex maraan sababaha loo damiyay iyo culeyska saaran.

Sarkaal ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in xeelad dagaal ay uga baxayaan magaalada, balse aanay ka fogaan doonin, waxaana la arkayay iyadoo Shabaab xafiisyadooda kala baxayaan agabyadooda muhiimka sida matoorada korontada siiya magaalada.

Magaalada jawigeeda ayaa maanta ahaa mid aad u qasnaa, markii goobaha waxbarashada iyo dukaamada ganacsiga albaabada loo laabay, markii dagaalada ku soo dhowaadeen duleedyada magaalada.

Gawaari xamuul ah ayaa la arkayay iyadoo dad badan lagu gurayay, kuwaasoo loo kaxeynayay jiidaha dagaalka, iyadoo Shabaab doonayaan inay ka galaan dagaalkii u dambeeyay ee Kismaayo ku difaacayaan.

Dadka taxliiliya arrimaha milateriga ayaa sheegaya in saan saanta magaalada ay tahay mid ka duwan sidii hore Al-Shabaab uu culeys marba marka ka dambeysa ku sii xoogeysanayo uu soo wajahay, iyadoo ay suura gal tahay in magaalada ay faarujiyaan hadii dhinacyada loogaga yimaado.

Ciidamada huwanta oo ka kooban Ciidanka dowladda, Ururka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa tan iyo horaantii bishii Agosto ku goodinayay inay qabsanayaan magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, inkastoo wali ay la xarbinayaan.

 

Comments are closed