Qaar ka mid ah Xildhibaanadii taageersanaa Madaxweynaha oo loo ogolaaday Baarlamaanka
Qaar ka mid ah saaxibada Madaxweynaha ee uu u ololeynayay in baarlamaanka ku soo daro, kadib markii la celiyay ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqdaan Baarlamaanka, iyadoo maanta lagu wado in la dhaariyo.
Sida wararku sheegayaan Gudiga farsamada ayaa gudbiyay liiska ilaa 14-xubnood oo ay ugu cad-cad yihiin garabka lagu tirinayay Madaxweynaha inay taageersan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha horay loo diiday, maadaama ay yihiin Islaamiyiin, inkastoo Madaxweyne Shariif dadaal badan waday, kaasoo aan kala go’ laheyn sidii loo fasixi lahaa.
Xubnaha la fasaxay ayaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Xasan Macalin Maxamuud, Maxamed Cabdulle Faarax, Maxamed Maxamuud Ibraahim, Naciimo Maxamed Gacal, sidoo kale xubnaha qaar waxaa ku jira xubno horay Xildhibaano u ahaa sida C/rashiid Maxamed Xidig.
Inkastoo ay harsan yihiin wali xubno kale, tirada baarlamaanka ayaa iminka ku dhow ilaa 239-xubnood, iyadoo ay harsan yihiin ilaa 36-xildhibaan.
Gudiga farsamada ayaa sheegay in markii hore aanay jirin cid ay diideen, balse ay soo buuxin waayeen shuruudaha, isla markaana aanay shaqsiyaad dambiyo ku soo oogin.
"