Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Suuqa Xoolaha
Meydka qof dhalinyara ah oo si xun loo dilay ayaa laga helay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.
Wiilkaan oo da,diisa lagu qiyaasay 25 jir ayey dadku sheegeen in la dilay xalay fiidkii isaga oo lugeynayey jidka laamiga ah, waxaana xabado uga yaalaan isha, wadnaha iyo sinta.
Dadki saakay arkay ayaa sheegay in uu ku dhex cararay meel luuq ah oo uu naf kula orday balse ay dad goob joog ah oo xaafada ka tirsan ay sheegeen in ay toogteen dad ku hubeesnaa bistoolado isaga oo marayey jidka laamiga ah ee Suuqa Xoolaha.
Ma jirto wiilkan cid aqoonsatay dadkuna inteey eegaan ayey leeeyihiin ma garaneyno, waxaase lagu wadaa in meydkiisa ay halkaasi ka qaadaan maamulka degmada Heliwaa ee dowlada KMG Soomaaliya.
Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa ka mid ah xaafadaha ugu daran ee ay kooxaha hubeysan ku dilaan dadka rayidka ah ama shaqsiyaadka ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.
"