Baarlamaanka cusub oo maanta yeelanaya kulan ay ku magacaabayaan Gudiga doorashada
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo shalay lagu dhaariyay magaalada Muqdisho ayaa maanta yeelanaya kulan ay ku magacaabayaan Gudiga doorashada, iyadoo Xildhibaanada ay cod u qaadi doonaan gudigaas.
Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in Xildhibaanada uu horgeynayo mooshin ku saabsan sidii ay uga doodi lahaayeen gudiga qaban qaabada doorashada madaxtinimada dalka.
Xildhibaanada ayaa haatan ku sii qul qulaya xarunta gaadiidka booliska oo uu goor dhow ka furmi doono kulankii labaad, kadib markii shalay ay ku magacaabeen Gudoomiyaha KMG oo ah ninka ugu da’da weyn.
Ammaanka xarunta uu ka dhici doono shirka ayaa si aad ah loo adkeeyay, halkaasoo lagu gedaamay Ciidamo fara badan oo isugu jira booliska Amisom iyo ciidamada kala duwan ee dowladda.
Doorashada gudoomiyaha baarlamaanka ayaa la iclaamiyay inay dhacdo 26-ka bishan oo ku beegan maalinta arbacada, sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in 25-ka ay ku eg tahay waqtiga araaji qabashada.
Musharaxiinta u taagan doorashada gudoomiyaha baarlamaanka ayaa maanta gudbinaya araajidooda, iyadoo marka la doorto Gudiga doorashada ay u gudbinayaan taariikh nololeedkooda.
Soomaaliya ayaa yeelatay Baarlamaankii u horeeyay oo Federaal ah, muddo 20-sano ah, iyadoo ay taariikh aheyd markii u horeeyay oo Xildhibaano cusub lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.
"