|

Baarlamaanka cusub oo doortay Gudiga doorashooyinka Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa

Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka ee shalay la dhaariyey xarunta gaadiidka booliska magaalada Muqdisho ayaa waxaa isku raaceen guddiga doorashada madaxda baarlamaanka.

Waxaa kulankan uu yeeshay baarlamaanka shir guddoominayay guddoomiyaha kumeelgaarka ah General Muuse Xasan Cabdulle waxaana goobjoog ka ahaa illaa iyo 184 xildhibaan oo ah mudanayaashii shalay la dhaariyey.

Guddiga doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenada baarlamaanka ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 15 xubnood iyadoo xildhibaanadii ka qeybgalay kulankan ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen guddiga doorashada.

Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ka kooban yihiin afarta beel iyo barka lagu soo xulay xubnaha baarlamaanka iyadoo shan ka mid ah ay yihiin haween halka toban kale ay yihiin rag.

Magacyada gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ay ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa kala ah:-
1- Caasho Xaaji Cilmi
2- Xasan Macalin Xuseen
3- Nuur Iidoow Beyle
4- Maxamed Maxamuud Guure
5- Sahro Jaamac Cali
6- Ciise Maxamuud
7- Maxamed Ismaaciil
8- Khadiijo Maxamed Diiriye
9- Caadil Sheegoow Sagaar
10- Maxamed Warsame
11- Fowsiyo Maxamed Sheekh
12- Cismaan Libaax
13- Sahro C/qaadir
14- Ciise Maxamed Cali
15- Feysal Cumar Guuleed

Guddigan oo ah guddigii ugu horeeyey ee baarlamaanka federalka uu soo xulo ayaa billaabaya qabashada araajida xubnaha u tartamaya xilka gudoomiyaha baarlamaanka iyo labada ku xigeen, iyadoo loo qabtay in tartamayaashu codsiyadooda kusoo gudbiyaan ilaa 25 bishan August.

Doorashada Afhayeenka baarlamaanka ayaa la filayaa in la qabto 26 bishaan August, iyadoo markaas kadib waqti loo qaban doono xilliga doorashada madaxweynaha cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelan doono.

Comments are closed