Baarlamaanka cusub oo la dhaariyay, ninka ugu da’da weyn oo shir-gudoon loo doortay iyo 26-ka bisha oo la dooranayo Gudoomiyaha baarlamaanka
Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo noqon doona baarlamaankii u horeeyay ee Federaal ah, iyadoo ay dhamaatay mudadii KMG aheyd ee dowladii hore.
Baarlamaankan cusub ee goor dhow lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa muddo afar sano shaqeyn doona, waxaana dhowaan ay dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa markii uu dhaariyay xildhibaanada ka sheegay munaasabada in loo baahan yahay in la soo doorto gudoomiyaha baarlamaanka, si nidaamka dowladda uu la wareego.
Baarlamaanka cusub ayaa waxaa Gudoomiye KMG ah loo doortay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ah ninka ugu da’da weyn, waxaana ay da’diisa tahay 72-sano jir.
Gudoomiyaha KMG ayaa sheegay in kalfadhigii u horeeyay ee baarlamaanka inuu furmay, isla markaana maalinta berri uu yeelanayo baarlamaanka kalfadhigiisa labaad oo ay ku iclaamin doonaan gudiga doorashooyinka gudoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.
Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in laga bilaabo maalinta berri la qabanayo araajida musharaxiinta u taagan gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo cadeeyay in 25-ka bisha ay ku egtahay, isla markaana 26-ka bisha la dooranayo gudoomiyaha cusub iyo labadiisa kuxigeen.
Magaalada Muqdisho ayaa taariikhda u gashay in 20-sano kadib lagu doorto Baarlamaan cusub oo Federaal ah, kaasoo kalfadhigiisa u horeeyay yeeshay markii la dhaariyay.
"