|

Magaalada Muqdisho oo xalay buleyr loogu dabaal degay muddo 20-sano kadib

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa xalay muddo labaatan sano loogu dabaal degay Buleyr cirka loo ganayay, iyadoo dhawaaqa baaruda ay dadka u qaateen dagaaladii iyo madaafiicdii magaalada la isku weydaarsanayay.

Xarunta Madaxtooyada ayaa laga ganayay bulerka, iyadoo cirka u baxayay, dadka ayaa aad ula yaabanaa, waxaana ay hadal hayeen bulerka magaalada ifiyay cirkana uu noqday dhimbil gaduudan.

Inkastoo arrin ku cusub dadka Muqdisho ay aheyd oo muddo labaatan sano dagaalada la daalanaa, hadana waxay aheyd mid muujineysay ifafaalo aad u wanaagsan, waxaana la dareemayaa is bedel dhinaca ammaanka oo ka jira magaalada Muqdisho.

 

 

 

Comments are closed