Gudiga Farsamada oo sheegay in xildhibaanada ay u qeybin doonaan kaararka aqoonsiga
Gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in ay qeybin doonaan kaararkii cadenayay in ay yihiin xildhibaano.
La gudoomiyaha gudigan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay inay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya, soo bandhigida xubnaha baarlamaanka cusub.
Habka xulista baarlamaanka ayaa dhib badan laga soo maray, iyadoo qaabka loo xulayay ay ka dhalatay khilaaf xoogan, hase ahaatee waxaa la filayaa in maalinta berri la siinayo kaararka aqoonsiga.
“Waa guul umada soomaaliyeed u timid waxaa la gaaray waqtigii soomaaliya ee noqon laheed soomaalidii bari samaadkii sida ey isku duubnyaayeen”ayay tiri Xaliimo Yarey
Arintan ayaa noqoneysa mid fududeneysa qaabka doorashada soomaaliya u dhici laheyd iyadoo doorashada waqtigeeda ay ka harsan tahay mudo gaaban baarlamaanka ayaa axada kulankoodi ugu horeeyay u furmi doonaa maalinta isniintana waxaa ey soo saari doonaan waqti doorasha ey dhici doonto.
"