Dowladda Uganda oo diyaarado kale u direyso Soomaaliya
Kadib markii dhowaan qaar ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Uganda ay ku bur bureen dalka Kenya, ayaa dowladda Uganda waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo direyso diyaarado kale si ay uga qeyb qaataan howl galada.
Wasiirka Gaashaandhiga Uganda Jen. Jeje Odongo ayaa sheegay inay soo diri doonaan diyaarado dagaal oo kala qeyb qaata Ciidamada AMISOM howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Waxaan u direynaa Soomaaliya diyaarado kale, hadii aanu helno fasax”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo Wariyeyaasha kula hadlay Kampala.
Uganda ayaa hogaamineysa howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana Soomaaliya ka jooga tirada ugu badan ee Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Dhowaan ayay Uganda u soo dirtay Soomaaliya Saraakiil Ciidamada cirka, waxaana maalmo ka hor ay ku weysay dhowr ka tirsan Askarteeda shil diyaaradeed oo ka dhacay Buuraha Kenya, markii labo ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka ay bur bureen, xilli ay ku soo jeedeen Soomaaliya.
"