Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Jubada Hoose
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Jubada Hoose, kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa qabsaday deegaanka Xagar iyo Madar oo ka tirsan Jubada Hoose, iyadoo ciidamada ay ku sii siqayaan deegaan cusub oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.
Axmed Aadan Xirsi oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka wadeen deegaanadaas dhibaatooyin, iyagoo maalmihii u dambeeyay gubay gaadiid qaad siday.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay hada ku sugan yihiin wado muhiim ah oo isku xirta Kismaayo iyo deegaano ka tirsan Gedo, halkaas oo Al-Shabaab ay isticmaali jireen.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira deegaano ka tirsan Jubada Hoose, waxaana Ciidamada huwanta ay qorsheynayaan inay la wareegaan magaalada Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Kismaayo ayaa maalmahan ka gashay cabsi iyo qal qal xoogan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay qorsheynayeen inay la wareegaan magaaladaas muhiimka ah.
"