|

Khilaafka iyo far isu-taaga Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo sii xoogeystay

Iyadoo muddo saddex cisho ay ka harsan tahay mudada qorshuhu yahay in lagu soo gaba gabeeyo xilliga KMG, ayaa waqtiga gabaabsiga sii ah madaxda ugu sareysa dowladda ay khilaaf meel sare ah gaaray ay u dhaxeysa.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa hadba xiriirka isu jaray, waxaana khilaafkooda uu gaaray heer ay kala jiitaan wasiirada oo labada dhinac ay u kala saftaan.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Gole wasiiro aanay shaqo ku laheyn magacaabida degmooyinka, isla markaana ay soo marto howl ah in ugu horeyn wasaarada arrimaha gudaha soo jeediso, isagana uu aqbalo.

Sidoo kale Ra’isal wasaaraha ayaa dhankiisa qaba in arrintu tahay ka bad-badis, xaalkana u muuqdo mid lagu deg degay oo waqtigeeda la gaarin degmooyin la aqoonsado.

Labada dhinac ayaa saxaafada isaga weydaarsanayay hadalo kul kulul, waxaana dadka odorasa siyaasada ay sheegayaan in aanay wax saameyn ah yeelan doonin khilaafkooda, maadaama uu waqtiga ka sii dhacayo.

20-ka Agosto ayuu qorshaha yahay in lagu soo gaba gabeeyo xilliga KMG, gaar ahaan in lagu soo doorto madaxweyne cusub, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ay labaduba yihiin dad u taagan madaxtinimada Soomaaliya.

 

Comments are closed