Gudiga farsamada oo maanta ku dhawaaqaya liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka
Gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka cusub ayaa maanta la filayaa inay ku dhawaaqaan liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, kadib markii ay saacadihii la soo dhaafay soo gaba gabeeyeen hubinta magacyada loo soo gudbiyay.
Inkastoo ay jireen liisas ay dib u celiyeen oo isugu jiray dad lagu soo eedeeyay inay dambiyo galeen iyo kuw shuruudaha soo buuxin waayay, ayaa hadana wararka qaar sheegayaan in ilaa 180 xubnood ay gacanta ku hayaan Gudiga.
Ilo wareedyo ku dhow dhow gudiga ayaa sheegaya in liiska ay si horu dhac ah u baahin doonaan gelinka dambe ee maanta, isla markaana uu noqon doono tiro buuxin karta kooram uu ku fariisto baarlamaanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Gudiga farsamada xalay oo idil aanay u kala kicin howsha u taala, waxaana jiray fariimo looga dalbanayay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gaba gabeeyaan.
Odayaasha dhaqanka ayaa lagu eedeeyay in aanay soo gudbin liiska xubnaha xildhibaanada, iyadoo sidoo kale arrinta kale ee buuqa ka taagnaa ay aheyd in haweenka aanay ku soo darin, sida qorshaha uu ahaa in haweenka helaan saami dhan 30%. taasoo ay iska indha tireen.
Beelaha qaar ayaa wali soo gudbin, iyagoo isku heysta xubnaha baarlamaanka, waxaana dadka ay sheegayaan in arrintan ay keeni karto in dib u dhac ku yimaado mar kale howshii soo gudbinta.
"