Culumaa’udiinka Soomaaliyed oo isku khilaafsan cunista Hilibka Waraabaha
Khilaaf ayaa durba soo kala dhex galay Culumaa’udiinka Soomaaliyed, kaasoo ku aadan cunista Hilibka Waraabaha, iyadoo Al-Shabaab ay dhowaan baneysay in la cuni karo Hilibka waraabaha.
Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumaa’udiinka caanka ah ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qabto in la cuni karo hilibka waraabaha, isagoo tibaaxay in xalaal yahay.
“Hilibka waraabe waa xalaal, diinta Islamaka waa qabtaa, waxaa jira masa’lo diini ah sida Shaafiyada iyo Axmed Xambali kutubka ay qoreen waa xalaal hilibka waraabaha”ayuu yiri Shiikh Umal.
Laakiin waxaa taas ka soo horjeestay Shiikh Maxamuud Aw-cabdule Cariif oo sheegay in aan la cuni karin, isla markaana hilibka waraabaha dadka cunka ah aanu xalaal aheyn.
“Waraabaha hadii xalaal yahay wuxuu la mid yahay sida Libaaxa”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Aw-cabdule Cariif.
Arrimahan la isku haayo ayaa durba doodo kulul ka dhex dhaliyay Culimada dhexdooda, waxaana tan ugu weyn ay tahay in magaalada Kismaayo aad looga cunayo hilibka waraabaha.
Qiimaha Hilibka waraabe ayaa magaalada Kismaayo ka gaaray heerkii u sareeyay waxaana la iibsanaya lacag dhan 5.5$ doolarka mareykanka, waxaana kiiladiisa ay ka badan tahay kiilada hilibka xoolaha ariga iyo Geella.
"