Ra’isal Wasaaraha oo mar kale ka hor-yimid go’aanada Madaxweynaha uu degmooyin ku magacaabayo
Ra’iisul wasaare C/weli Gaas oo mudada Xukuumadiisa ay ka harsan tahay muddo afar cisho ah ayaa mar kale ka horyimid magacaabista Madaxweynaha ee degmooyinka gobolada dalka iyo dalacsiinta saraakiisha ciidamada.
Digreeto xalay ka soo baxday Xafiiskiisa ayuu C/weli Gaas ku muujiyay inay sharciga baal-marsan tahay in Madaxweynaha xilligan degmooyin ka dhigo gobolada dalka iyo dalacsiinta saraakiisha.
Madaxweyne Shariif oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumada wax shaqo ah ku laheyn degmooyinka, isla markaana waqtigeeda uu dhacay.
Ra’isul Wasaare Gaas ayaa digreetadiisa ku soo qaatay qodobo ka mid ah Axdiga KMG, taasoo uu ku muujinayo sida wax aan Xukuumada ama Golaha wasiirada la soo marsiin ay u yihiin sharci daro.
" 