|

Xukuumada Soomaaliya oo soo bandhigtay Barnaamij cusub oo ku wajahan dhalinta dagaalada iska deysay

Xukuumada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa daaha ka rogay qaab ama Howlgal cusub ee Qaran, kaasoo ku wajahan dhalinyarada dagaalka iska dhaaftay, ee ka soo baxday Al-Shabaab, iyadoo qorshahan cusub la hor geeyay deeq bixiyaasha Caalamka, markii uu socday shirkii Gudigs isku xirka Amniga ee qabsoomay 6-dii Agosto.

Qorshahan cusub ayaa quseeya dhalinyarada dagaalada iska deysay, waxaana ka qeybq aadanaya Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda, Qaramada Midoobey iyo Ururada Bulshada rayidka, kuwaas oo iska kaashanaya howlaha ugu xiriira oo lagula xiriirayo dhalinyarada ka bar-bar dagaalanta Shabaab.

Xiriiradan ayaa waxaa qeyb ka ah in la soo dhoweeyo dhalinyarada soo goosata ama dagaalada iska dhaafay, sidoo kalena loo gudbiyo xero si KMG ah loogu haayo, ilaa ugu dambeynta ay bulshadooda ugu soo biirayaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay heshay Dastuur cusub, kaas oo loogu gogol xaarayo Dowlad federaal ah iyo Ansixinta Madaxweynaha ee Qorshaha Xasilinta iyo Ammaanka Qaranka.

Qaab howleedkan wuxuu u abuurayaa dadka dagaalka sida rarsmi ah iskaga daayay in ay amni helaan, iyo sidii looga bad-baadin lahaa dadwaynaha, kadibn ay uu dadwaynaha u soo dhoweyn lahaayeen.

Sidoo kale waxaa uu qorshahan xambaarsan yahay sidii loo ixtiraami lahaa, looguna hogaansami lahaa xuquuqul Insaanka iyo shuruucda u degsan xilliga dagaalka.

Waxaa kaloo Qorshaha dagaal ka saarista uu leeyahay Xafiisyo iyo awoodii lagu fulin lahaa, kuwaas oo dhamaan ka jira Soomaaliya

Qorshahan ayaa lagu sheegay in aanu la mid aheyn qorshayaasha caalamiga ee dagaal ka saarida dhalinta ama hub ka dhigista iyo dib ugu biirinta bulshada, waxaana uu salka ku hayaa wada shaqeyn dhex marta Beesha Caalamka, doiwladda, degmooyinka iyo bulshada, taasoo lagu xusay in mid walba uu leeyahay doorkeeda howleed.

Arrinta kale ayaa lagu muujiyay in wada tashiyo lala sameeyay Hey’ado Soomaaliyed lagu ogaaday in sida kaliya ee nabad waarta lagu heli karo ay tahay, in wada hadal lala yeesho dadka dagaalamaya, loona abuuro fursado kale oo ay ku noolaan karaan si rayid ah.

Shir lagu qabtay Muqdisho bishii Agoosto 2, 2012, ayna ka qaybgaleen dad badan oo ay khuseeyaan arrimahan, ayaa dib u eegis ku sameeyay habka caadiga ahee looga Howlgalo arrimahan, waxaana ka shiray arrimahan Guddiyo ka socday Wasaaradaha kana hadlaayay Arrimaha khuseeya Dadka dagaalka iska daaya, iyadoo uu shir gudoominayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida loo sameeyey miisaaniyada qiyaastii $ 19 malyuun doolarka Maretkanka ayaa ku baxaysa  qorshaha jiheynta dhalinta hubeysan, wuxuuna  qiyaas ahaan aad uga yar yahay kharajka joogtada ah ee hadda kubaxaya  AMISOM iyo hay’adaha amniga iyo ka hortaga-argagaxisada.

“Kharajka uu barnaamijkan u baahan yahay waa ka yar yahay kan hada lagalo-ama wax lagu wado sameeyo iyadoo la tixgelinayo yareynta rabshada dagaalka wata”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mashruucan inuu guuleysto waxaa furo u ah is aaminaadda iyo kalsoonidda uu dhalinayo, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo badbaadada qof kasta oo iska daayay dagaalka.

Waana in la dhowraa sharciga iyo kala dambaynta, iyo xuquuqul insaanka caalamiga ah, qaar ka mid ah deeq bixiyayasha ayaa horeyba u siiya taagero dhaqaaale qaybo ka mida qorshahan qaran, laakiin baaqan la soo jeediyey waa mid baahi loo qabo in la helo qorshe mideysan, kaas oo daboolaya dhamaan qaybaha dalka oo dhan.

Shirkii Gudiga wadajirka ah ee amniga waxaa la soo jeediyey in la dardar geliyo dadaalada socda lana sameeyo baro lagu xereeyo dadka Dagaalka iska dhaayay loona xaqiiyjiyo amnigooda, xeryahaasna laga sameeyo  agagaaraha magaalooyinka Marka iyo Kismaayo.

Comments are closed