Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Kenya
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hogaaminayo Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya Thuite Wmangi oo ay ka mid ahaayeen Saraakiil ciidan.
Ugu horayntii Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibaddaee Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay maanta soo booqdaanmagaalada muqdisho.
“Aad ayan ugu faraxsanahay booqashadeena maanta waxaana u nimidinaan dib u howl galino safaaradeena, waxaa kale oo aan rabnaa inaan ka qaybqaadano howlaha soconaya oo ku saabsan sidii dalka loo xasilin lahaa islamarkaan u xaqiijino joogitaankeena Muqdisho inuu macno weyn u samaynayo sidiidalka looga hormarin lahaa dhanka Amniga madaama uu dalku dib uga soo kabanayo colaadihii”
Sidoo kale waxa isna meesha ka hadlay wasiirka qorshaynta iyoIskaashiga Caalamiga wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen waftiga sidii loo xoojinlahaa iskaashiga ka dhexeeyey labada wadan, sida hormarinta dhaqaalaha, Waxbarashada,Tababarada shaqaalaha dowladda, Dhinaca canshuuraha, iyo sidii Baarlamaankacusub ee Soomaaliya loo siin lahaa tababaro.
Ugu danbayntii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugamahadceliyey dowladda Kenya dadaalka dheeraadka oo ku aadan sidii Soomaaliyaloogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu soodhaweyey dib u howlgalinta Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.
"