Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan oo dowladda Britain ka codsaday inay magangalyo siiso
Orodyahanada Soomaaliya uga qeyb galay Ciyaaraha Olimbikada Aduunka ee ka socda magaalada London ayaa ka dalbvaday dowladda Britain inay magangalo siiso, kadib markii hanjabaad loo soo gudbiyay.
Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ayaa labadaba u gudbiyay Wasaarada Arrimaha gudaha Birtain inay cabsi weyn ka soo wajahday ku laabashadooda Soomaaliya, kadib markii ay heleen Taleefano loogu hanjabay in la dili doono.
Orodyahanada Soomaalida oo wareegii hore ee tartanka Orodada ku haray oo aan wax guul ah keenin ayaa waxay sheegeen in fariimo loogu soo gudbiyay aalada Facebook, kaasoo loogu sheegayo in qaarijin doono.
Ma aysan sheegin cida u hanjabtay, balse waxa ay sheegeen in lagu heysto sababta ay kor ugu qaadeen calanka Soomaaliya iyo sababta ay Zamzam oo gabar ah ay cowradeeda banaanka u soo dhigtay inkastoo ay meelo badan ka asturneyd.
Ma jirto wax jawaab ah oo dalabkooda ay ka bixisay dowlada Britain, laakin iyaga kuma aysan koobin codsiga magangalyadooda dowlada Ingiriiska e, waxa kale oo ay weydiisteen dhamaan dalalka caalamka.
"