Musharaxa u taagan xilka Madaxtinimada C/raxmaan C/shakuur oo la kulmay Madaxda Maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Galgaduud
Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay kulan afur iyo casho la qaatay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid, Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow Mooge.
Kulankan oo ahaa mid wada tashi ah ayaa lagu lafa guray xaaladaha ugu dambeeyay ee deegaanada Gobolada dhexe iyo sidii loo mideyn lahaa, dadaalada Maamuladaas ee dhinaca dib u heshiisiinta iyo ballaarinta Maamulada ka jira Gobolada Dhexe.
Musharaxa C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo dib u heshiisiin, isla markaana la ballaariyo Maamulada deegaanka oo ay ka soo qeyb galaan dhamaan dadka ku nool Gobolada Dhexe.
Waxaa uu sheegay in sida kaliya ee lagu xaqiijin karo ay tahay isu tanaasul iyo dib u heshiisiin bulsho oo ay saldhig u yihiin duubabka iyo odayaasha dhaqanka, kuwaas oo uu xusay inay marjac u noqdaan dhimsha Maamul sal ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhamaan dadweynaha.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay inay muhiim tahay in mar walba la iska xil saaro nabadeynda deegaanadaas iyo horumarikiisa, isagoo xusay in musharaxa uu gudoomiye u ahaa gudigii xalinta colaadaha Gobolada Dhexe, isla markaana wali ka muuqato sida uu ugu heelan yahay mideynta iyo dib u heshiisiinta deegaanadaas.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dadaaladan iyo aragtida musharaxa ee ku aadan deegaanka, waxaana uu carabka ku dhajiyay in hadalka si ficil loo bedelo, isla markaana gogosha ay horay u balan qaadeen, una fidsan tahay.
Ugu dambeyn waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow oo sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado nabadgelyada, isla markaana xooga la saaro sidii loo mideyn lahaa dadka deegaanka ku nool, kaasoo laga ambaqaadayo nabadeynta deegaanada laguna dhiso maamul dadka dhan ka wada muuqdaan.
"