|

Maxkamad ku taala Kenya oo xukuno sanado ah ku riday Burcad badeed Soomaali ah

Maxkmad ku taala dalka Kenya ayaa 20-sano oo xarig ah ku xukuntay 7 nin oo burcad badeed Soomaali ah Arbacadi shalay aheyd, kuwaasoo horay loogu qabtay xeebaha.

Ragaan Soomaaliga ah ee xakunkaasi adag la dul dhigay ayaa kala ah Barre Ali Farah, Abdi Mohammed, Ali Hussein Hassan, Abdulkarim Nur Shire, Bashir Mohammed Elmi, Abdulrazak Abdullahi Ali iyo Abdulfaruk Hussein Ali.

Abuukaataha u doodaya  Jared Magolo ayaa xakunkaasi ku tilmaamay mid caruurnimo ah marka loo eego kiisaska kale, waxa kale oo uu sheegay in Maxkamada aysan waxba kasoo qaadin mudadi ay xabsiga ku jireen oo aheyd sadexda sano.

Todobadaan ruux ayaa waxaa bishi October ee sanadki 2009 ka qabtay Gacanka Cadmeed ciidamada bada ee dalka Denmark xilli ay isku dayayeen in ay afduubtaan markab laga lahaa dalka Sri Lankan.

 

 

Comments are closed