|

Xuseen Carab Ciise “Ciidamada dowladda waa ku filan yihiin inay sugaan ammaanka doorashada dhaceysa”

Ra’isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku filan yihiin inay sugaan ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

“Ciidamada waa ku filan yihiin amniga, dhowaan waxaa ka dhici doonta magaalada doorashada madaxtinimada dalka, aad baan ugu kalsoonahay”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay wax badan ka qabteen ammaanka, isla markaana wixii haatan ka dambeeya dalka oo dhan ammaankiisa la xaqiijin doono.

Mar uu ka hadlay sida ciidamada dowladda ugu filnaan karaan ammaanka halka ay ka dhaceyso doorashada ayuu sheegay in ciidamada ay dhowaan qabteen howl fiican, gaar ahaan sugida ammaanka goobta ay ka dhacday shirkii Ansixinta Dastuurka.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa booliska ka wadaan magaalada Muqdisho howl galo ku aadan ammaanka, isla markaana wadooyinka la adkeeyay ammaankooda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa is bedel xaga ammaanka laga dareemay magaalada, kadib markii ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, kuwaasoo xaqiijinayay ammaanka.

Comments are closed