Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn u geystay deegaanka Birta-Dheer oo 80-KM u jira Kismaayo
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.
Duqeynta ayaa ka dhacday tuulo qiyaasti 80-km u jirto magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubada Hoose sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.
Deegaanka ay dagaaladu ka dhaceen ayaa la sheegay in sidoo kale uu dagaal ku dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
Ma cada qasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegayo in Kenya ay ka geystay gobolka Jubada Hoose.
Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya, sidoo kalana Al Shabaab wax war ah kama aysan soo saarin duqeyntaasi.
"