Afhayeenka Amisom oo sheegay in Ciidamo Boolis ka socda Uganda ay Muqdisho soo gaareen
Afhayeenka Ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamo Booliska socda dalka Uganda ay soo gaariin magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka magaalada.
Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in ciidamadan ay la howl geli doonaan ciidamada booliska Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan ammaanka.
“Ciidamada Booliska waxay imaanayeen shalay ilaa doraad, waxayna howl galkooda yahay mid gaar ah oo sugida ammaanka magaalada, ciidamada booliska Soomaaliyed ayay la howl galayaan”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud.
Col. Xaamud ayaa sidoo kale tibaaxay in ciidamo kale oo Boolis ka socda dalalka Nigeria iyo Sierra Leone ay imaan doonaan, sidoo kale ay qeyb ka tahay Jabuuti oo soo diri doonta Ciidamo Boolis ah sida uu yiri.
Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in Ciidamo Boolis ah oo gaaraya boqolaal u soo diri doonaan Soomaaliya, si ay u sugaan ammaanka meelaha lagala wareego Al-Shabaab, iyo saldhigyada booliska iyo xarumaha ciidanka.
"