|

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Qeybdiid oo booqashadii u horeysay ku yimid magaalada Muqdisho

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaasoo ah booqashadii u horeysay oo uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii loo doortay madaxtinimada Galmudug.

Booqashada jen. Cabdi qeybdiid ayaa waxaa uu ku saleysan yahay arrimaha horumarinta Maamulkiisa iyo sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dowladda Soomaaliya.

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Jen. cabdi Qeybdiid oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maalin taariikh ah in loo doortay madaxtinimada Galmudug.

“Waxaan ku faraxsanahay in la ii doorto madaxtinimada Galmudug, iyadoo 1-dii Agosto ay aheyd markii la ansixiyay Dastuurka, maanata ay taariikh tahay markii Al-Shabaab laga saaray Muqdisho”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Maamulka Galmudug wax badan dib uga dhacday maamulada dalka, isagoo cadeeyay in dhibaatada ka jirta ay qeyb ka aheyd amni darada sida uu yiri.

Khilaaf ayaa wali ka taagan madaxtinimada Galmudug, waxaana dhowaan qaadacay Madaxweynaha xilkaas hayay Maxamed Axmed Caalin oo sheegay inay sharci daro aheyd doorashada Cabdi Qeybdiid.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda dowladda oo ku aadan khilaafka doorashada Galmudug, oo ka mid ah dhinacyada saxiixay heshiiskii Road Map-ka

Comments are closed