Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’iisul Wasaaraha oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, saacado kadib markii Hogaamiyeyaasha Saxiixayaasha ay heshiis ku gaareen magaalada Nairobi, kadib wada hadalo labadii maalmood u socday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas waxaa ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Mudisho Wasiiro iyo mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada rayidka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, isagoo sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu ku soo qaatay magaalada Nairobi iyo wixii looga hadlay.
“Marka hore waxaan la kulanay Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton waxeyna aad noogu mahad celisay sida aan u meel mariney Hashiiskii Raodmap-ka, sidoo kale waxey noo sheegtay in dowladda Mareykanka ay mar waliba taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxeyna soo dhaweysay oo ay dowladda Soomaaliya u amaantay sameynta Dastuurka dalka. Waxaana inta badan ka wada hadalney Arrimaha Soomaaliya, Wuxuuna wada hadalkeenii noogu idlaaday si guul ah””ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu guul ugu soo dhamaaday kulankii Saxiixayaasha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray inay sii wadayaan dadaalada lagu hormarinayo Barnaamijka geedi socodka nabada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu gabo gabo marayo Road Map-ka, waxaana uu intaa ku daray inuu rajo ka qabo in la dhameystiro xilliga KMG oo ku eg 20-ka Agosto.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu si caro uga soo baxay shirka Saxiixayaasha ku lahaayeen magaalada Nairobi, kadibna uu si deg deg ah Muqdisho ugu soo laabtay, waxaana khilaafka saxiixayaasha xilligan yahay mid weji cusub galay, isla markaana ay u harsan tahay 15-cisho mudada lagu wado in lagu soo doorto Madaxweyne.





"