Ciidamada Puntland oo ilaa 200-ruux u soo qab qabtay dilkii Xildhibaan saaka lagu dilay Garowe
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howl galo ballaaran ay ka sameeyay xaafado ka tirsan Garowe ku qab qabtay ilaa 200-ruux, kadib markii saaka Kooxo Hubeysan ay ku dileen magaaladaas Xildhibaan ka tirsan Puntland.
Howl galada ayaa sababay in la xiro wadooyinka, iyadoo raaf lagu sameeyay dad fara badan oo xaafadaha loogu galay, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen in kooxihii dilka geystay ay ku jiraan dadka ay soo qab qabteen.
Abaarihii salaadii subax ayaa Xildhibaan Sheybe Shiikh Maxamuud lagu dilay masaajidka xilli uu ka soo baxayay, waxaana kooxaha dilay ay ku carareen Xaafadaha Garowe, taasoo ay ciidamada ay isku gedaameen.
Meydka Xildhibaanka ayaa lagu aasay qabuuraha Garowe, iyadoo ay aaskiisa ka qeyb galeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Dilkan Xildhibaankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu qaarijiyo Garowe oo ah xarunta Maamulka Puntland, halkaasoo ammaankeeda uu yahay mid aad loo adkeeyo.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay mas’uuliyada dilka xildhibaankan, waxaana la sheegay in Xildhibaankan uu muddo 7-sano ka tirsan Maamulka Galmudug.
"