Banaan bax lagu taageerayo Hal sano kadib markii Al-Shabaab isaga baxday Magaalada Muqdisho
Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo Hal sano kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho ayaa saaka ka socda Garoonka Ciyaaraha ee Conis Stadium, iyadoo boqolaal ruux oo ka kala socda degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku qul qulayaan garoonka.
6-da Agosto ayaa aheyd markii Al-Shabaab ay isaga baxeen qeybihii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, kadib markii culeysyo baaxad leh ay kala kulmeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
Banaan baxa ayaa waxaa dadweynaha ay ku sitaan calanka Soomaaliya iyo dharka hidiaha iyo dhaqanka, waxaana la filayaa in goor dhow ay gaaraan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo banaan baxa, si uu ugu muujiyo guulaha ay dowladdiisa ay gaartay.
Banaan baxan ayaa waxaa horay u iclaamiyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in maanta ay tahay maalinta xornimada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sanad kadib ka bixitaanka Shabaab ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga dareemayaa is bedel, iyadoo markii Shabaabka ka baxayeen ay bur bursanaayeen, balse haatan la bilaabay dib u dhic iyo bilic lagu sameynayo guryaha iyo wadooyinka.
Al-Shabaab ayaa markii sanadkii hore ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, waxay sii lumineysay degmooyin iyo deegaano badan, waxaana xilligan soo wajahaya culeysyo milateri oo uga imaanaya Ciidamada Kenya, Itoobiya iyo Ciidamada Amisom oo Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow kula dagaalamayaan.
"