|

Aadan Madoobe “Xeelad milateri loo degay, markii ay soo galeen Xudur waxaa ka dilnay 53, meydkoodana waa yaalaa”

Gudoomihi hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Madoobe ayaa shir jaraa,id oo ku maanta ku qabtay Muqdisho kaga hadlay dagaal lagu hoobtay oo shalay ka dhacay magaalada Xudur.

Shiikh Adan Madoobe oo kasoo jeedo gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalki shalay oo ahaa mid ay Al Shabaab soo qaadeen ay ku dileen ilaa iyo 53 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxihi soo weeraray.

“Xeelad loo dgeay ayay aheyd, markii ay soo galeen waxaa ka dilnay 53-dagaalyahan, meydadkooda waa yaala wadooyinka, sawiradooda soo bandhigeyna”ayuu yiri

Wuxuu ku eedeeyey Al Shabaab in ay dad rayid ah ku laayeen tuulo ka tirsan Xudur oo uu sheegay in ay ku dileen 4 ruux, isaga oo intaasi ku daray in dagaalki shalay uusan wax qasaara ah kasoo gaarin ciidamada dowlada marka laga reebo afar ruux oo dhaawac ah.

Al-Shabaab oo dagaalkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay qabasadeen xalay magaalada Xudur isla markaana ay si iskood ah uga soo baxeen, laakin waxaa warkaasi beeniyey gudoomiyaha magaalada Maxamed Tall oo sheegay in aysan jirin wax qabsasha ah.

War ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in shalay is gaarsiinta magaalada la damiyey Al Shabaabna ay shalay galab dagaalki ay ku bilaabeen Xudur uu joogsaday xalay maqribkii.

Dagaalki shalay ayaa ahaa kii ugu xoodanaa ee gobolka Bakool ka dhaca tan iyo marki ay halkaasi tageen ciidamada dowlada.

Comments are closed